JUBALAND oo shaacisay natiijada baaritaankii ay ku sameysay dhacdadii Ceel-waaq ee ciidamada Kenya

0
5
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Kismaayo (Caasimada Online) – Gudigii ay dhawaan Dowlad Gobaleedka Jubaland u xil-saartay in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdo 22-kii bishii hore ka dhacay Deegaanka Yadho ee Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ciidamada Kenya ay shacab ku dileen qaarna ku afduubteen, ayaa soo saaray natiijada baaritaankooda.

Gudigga ayaa soo bandhiggida natiijada baaritaankooda ku shaaciyay in tirada guud ee dadka la waayay ay ahaayeen sideed qof, hal qof uu geeriyooday ay ku guuleysteen in ay dib ula midoobaan qoysaskooda halka afar kalana ay wadaan dadaalkii lagu soo deyn lahaa iyagoona sheegay in ay wada hadal kula jiraan dawladda Kenya dhawaana ay soo sii deyn doonaan.  

Gudigga ayaa Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo kulan kula yeeshay Siyaasiyiinta, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool Degmadaasi oo in badana sugayay waxyaabaha ka soo bixi doona baaritaankii ay gudigu wadeen.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Cabaas Ibraahim Gurey oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dadka 4 ka mid ah laga qabtay agagaarka koontiga Wajeer.

“Afarta kale ee maqan iyagana waan ku daba jirna Dowlada Kenya waxa no socda wada hadal,” ayuu yiri Taliye Cabadaas.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Dawlad Gobaleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay gudigga loo xilsaaray dhacdadaan in ay baaritaan ku sameeyaan ayaa sheegay  in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagayaan waxyaabihii uga qabsoomay baaritaankii ay wadeen.

Kaliil ayaa sheegay in ay wajigii koowaad ku guuleysteen sii daysmada sedex ruux, qofkii geeriyoodayna ay keeni doonaan diyadiisa halka afarta kale ee dhimmana dadaal ugu jiraan sidii iyaguna loo soo deyn lahaa

“Dadaal dheer oo ay gashay Dowlad Gobaleedka Jubbaland waxa hada u suurta gashay in dadki maqna laso dayay wajigii kowaad hal qofna uu dhintay islamarkaana aan keeni doono diyadiisii,” ayu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga,