Jubaland oo jawaab culus soo saartay kadib dagaalkii maanta ka qarxay Kismaayo

0
93
Somalian soldiers drive on the back of a military vehicle in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Jubbaland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo, kadib markii ay ku dagaalameen ciidanka ammaanka iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka.

Afhayeenka booliska Jubbaland oo lagu magacaabo Dhamme Shukri Faarax Ducaale ayaa xaqiijiyay in israaseynta uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ilaalada musharixiinta, dhankoodana ay ka dhaawacmeen 2 askari.

Shukri Faarax ayaa dhacdadan dusha u saaray musharixiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in gaari ay wateen ilaaladooda uu rasaas huwiyay ciidanka, kadibna ay sidaasi ku bilaabatay xabadda.

Sidoo kale wuxuu inyaasi ku daray in ilaalada xubnaha mucaaradka ay maalmihii la soo dhaafay ku lug lahaayeen falal amniga lid ku ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay.

Eedeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya, waxaana wasiirka amniga gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) uu sheegay in Axmed Madoobe uu ka dambeeyay, uuna weeraray shacab iyo siyaasiyiin degenaa hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday hoteelka ay daganaayeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo nabadda ku joogay” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““Arritan waxa ay tilmaameysaa sida Axmed uga go’an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo dadka ehelka ah ee ku wada nool Jubbaland”.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.