Kadib kiisaskii coronavirus, Somaliland oo caddeysay mowqifkeeda duulimadyada shirkada Ethiopian Airlines

0
8
An Ethiopian Airlines' Boeing 787 Dreamliner prepares to take off from Addis Ababa airport in Ethiopia, Saturday, April 27, 2013. A Boeing 787 operated by Ethiopian Airlines flew from Ethiopia to Kenya's capital Nairobi on Saturday, the first commercial flight since air safety authorities grounded the Dreamliners after incidents with smoldering batteries on two different planes in January. (AP Photo/Elias Asmare)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta sheegtay inaysan joojineyn duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku timaado madaarka magaalada Hargeysa, xili ay wajaheyso labo Kiis oo la xiriira Coronavirus.

Somailand ayaa weli ku adkeysaneysa inaysan joojin duulimaadyada diyaaradaasi oo tagta waddamo uu cudurkaasi faro ba’an ku hayo, iyadoona la aaminsan-yahay in gudaha Somaliland ay iyadu horseeday in laga helo Kiisas la xiriira fayruska Corona.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay inaysan waqti xaadirka Xukuumadoodu joojineyn diyaarada Ethiopian Airlines, isagoona xusay inay soo saareen go’aamo ay dhawaan ku mamnuuceen dadka ka imanaya Yurub iyo Mareykanka.

Wasiir Koore ayaa diyaarada Ethiopian Airlines ku sheegay mid ka qeyb qaadaneysa soo daabulida dadka ku xayiran garoomada, isla markaana ay qasab tahay in dadkii hore u goostay Ticket-yadooda safarku ay ka soo dagaan madaarka Hargeysa.

Somaliland ayaa wajaheysa halis caafimaad oo baahsan, maadama aysan ilaa hadda si dhab ah u qaadin talaabooyin ay ku xakameyneyso in cudurka Corona uu ku faafo deegaanadeeda, iyada oo Kiisas la xiriira cudurkaasi laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Mana cada ilaa hadda sababta ay dowladda federaalku ay talaabo uga qaadi laadahay diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeedii caadiga ahaa ku tagta Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, balse aan weli aqoonsi buuxa ka helin beesha caalamka.