KENYA oo u muuqata inay guuldarro qiratay war cusub-na kasoo saartay kiiska badda

0
9
epa04148201 Judges in the courtroom prior to the announcement of a verdict in the case against Japanese whaling at the International Court of Justice (ICJ), in The Hague, The Netherlands, 31 March 2014. Australia in 2010 had brought Japan to the ICJ asking the leading UN court to rule on Japan's whaling. Australia accuses Japan of commercially hunting whales and hiding the fact behind a loophole in the 1986 whaling ban that allows hunting whales for scientific research. EPA/MARTIJN BEEKMAN

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin haddii si ka dhan ah ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u xukmiso kiiska badda Soomaaliya, taasi oo ay qirtay inay u muuqato inay dhici doonto.

Maxkamadda ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku xaqiijisay inay ku dhowaaqi doonta xukunka kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021.

Hase yeeshee, Kenya ayaa wacad ku martay inaysan aqbali doonin wax ay ugu yeertay “hanaan sharci-darro ah,” oo maxkamadda ay u martay kiiskan.

“Waxaan ku soconaa malo ah in xukunka uu noqon doono mid naga soo horjeeda. Habka ay maxkamadda u dhaqantay markii ay la macaamileysay Kenya, oo ay ku jirto inay diiday codsiyo dhowr ah oo qiil lahaa, waa waxa noo tilmaamaya,” waxaa sidaas wargeyska Daily Nation u sheegay sarkaal Kenyan ah.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray “Tallaabooyin dhowr ah ayaa la qaaday amni ahaan. Arrintan waa mid leh cawaaqib amniga qaranka ah. Dalka waa inuu xaqiijiyaa amniga iyo badqabka shacabkiisa.”

Sarkaalkan ayaa sheegay, in xitaa Kenya ay aysan aqbali doonin haddii Maxkamadda ay go’aamiso in dhulka la isku hayo loo kala qeybiyo labada dhinac, sababtoo ah buu yiri “waxay ka dhigan tahay in dhul ka mid ah Kenya la dhiibay.”

Kenya ayaa ku doodeysa in maxkamadda ay ula dhaqantay si cadaalad darro, oo ay ku jiraan codsiyo badan oo laga diiday, sida in garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah uu iska casilo maxkamadda.

Cabdulqawi ayaa ahaa madaxweynaha maxkamadda tan iyo 2018, waxaana bishii Febraayo beddelay garsoore Joan Donoghue oo Mareykan ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena.

Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda ugu dambeeyey15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.