M/Yurub oo ciqaab aan horey loo arag’ ugu hanjabay Russia kadib weerarkii Ukraine

0
13
European Commission President Ursula von der Leyen (L) and vice-president in charge of Foreign Policy Josep Borrell (R) give a joint press statement on Russia's attack on Ukraine, in Brussels on February 24, 2022, ahead of a EU special summit called today to "discuss the crisis and further restrictive measures" that "will impose massive and severe consequences on Russia for its actions". - European Commission will outline to leaders the new sanctions, which will add to an initial round of sanctions imposed on Wednesday after President Vladimir Putin recognised rebel-held parts of Ukraine as independent. (Photo by Kenzo TRIBOUILLARD / POOL / AFP)

Russia waxay wajaheysaa “go’doomin aan horey loo arag” sababo la xiriira weerarka ay ku qaaday Ukraine, waxaana la saari doonaa “cunaqabateynadii ugu xoogganaa” ee Midowga Yurub uu soo rogo abid, waxaa sidaas yiri madax siyaasadda arrimaha dibedda ururkan, Josep Borrel.

“Tani ma ahan su’aal ururo. Tani ma ahan su’aal cayaar awood diblomaasiyadeed. Tani waa arrin nolol iyo geeri ah. Tani waa mustaqbalka bulshadeena,” ayuu yiri.

Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, oo ka dhinac hadleysay, ayaa iyana sheegay in xayiraadaha cusub ee ka dhanka ah Ruushka lagu go’aamin doono shir deg deg ah oo maanta dhacaya.

“Waxaan wiiqi doonnaa aas-aaska dhaqaalaha Ruushka iyo awoodda ay u leedahay inay horumarto,” ayey tiri.

Ursula ayaa sheegtay in cunaqabateynadan weyn ay beegsan doonaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Ruushka, lagana xanibi doono suuqyada Yurub, ayada oo sidoo kalena la hakin doono hantida Ruushka ee Midowga Yurub.

“Xayiraadahan waxaa loo naqshadeeyey inay dhaawac xooggan gaarsiiyaan danaha Kremlin-ka iyo awoodda ay uleedahay inay maal-geliso dagaal.”

Waxay sheegtay in ciidamada Ruushka “ay qabsadeen Ukraine,” ayaga oo soo dhaafay xadkii ay Reer Galbeedka kusoo rogi lahaayeen xayiraadaha.
Russia ma beegsaneyso oo kaliya Ukraine, ayey tiri.

“Bartilmaameedka waa xasilloonida Yurub iyo nabadda caalamka oo idil. Waana kula xisaabtami doonnaa Putin taas.”

Borrel ayaa yiri “Kuwani waxay ka mid yihiin saacadihii ugu madoobaa Yurub tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.”

Waxa uu sheegay in weerarka Russia ay ku qaaday deriskeeda “aysan xadgudub ku aheyn kaliya xeerarka caalamiga ah, balse ay sidoo kale xadgudub ku tahay mabaadi’da wada noolaasho ee bani’aadaamka.”

Waxa uu intaas ku daray in Midowga Yurub ay diyaarinayaan kaalmo deg deg ah oo la siiyo Ukraine iyo howlgal daad-gureyn ah oo ay qeyb ka tahay in shaqaalaha ururka laga soo qaado goobaha ay saameeyeen weerarada.

Borrel iyo von der Leyen ayaa labaduba xoojiyey in Midowga Yurub ay dhinac taagan yihiin shacabka Ukraine.

AFP + VOA