Manchester United oo Chelsea ka dooneysa xidig 16 jir ah.

0
7

Da’yarka kooxda Chelsea qadka dhexe uga ciyaara Conor Hunte ayaa waxaa doonaya Manchester United, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

16-jirkaan ayaan weli qandaraas xirfadeed u saxiixin kooxda Stamford Bridge, wuxuuna sidoo kale soo jiitay kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Si kastaba, United ayaa talaabo u qaadeysa inay dalab ay kula soo saxiixaneyso u dirto ciyaaryahankaan ka tirsan Under-17-ka xulka England.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.