Mareykanka iyo Shiinaha oo ka walaacsan arrin si weyn ugu faafeysa dunida

0
5
FILE PHOTO: U.S. President Joe Biden shakes hands with Chinese President Xi Jinping as they meet on the sidelines of the G20 leaders' summit in Bali, Indonesia, November 14, 2022. REUTERS/Kevin Lamarque/File Photo

Washington (Caasimada Online) – Masuuliyiin sar-sare oo ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ayaa qorshaynaya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada.

Kulamadan ayaa salka ku haya si ay uga wada-hadlaan walaaca isa-soo taraya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence, ee muddooyinkii dambe sida weyn ugu faafeysa dunida.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wada-hadalada ka dhacaya magaalada Geneva in aanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho siyaasadaha lagu hagayo farsamada casriga ah.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in qodobada miiska yaalla ee laga wada-hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lahaayeen, hababka hoos loogu dhigi karo, khataraha ku gedaaman isticmaalka Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Beijing iyo Washington ayaa ku jira tartan aad u xooggan oo la xidhiidha, cidda gacanta sare yeelanaysa, marka laga hadlayo Artificial Intelligence.