Mareykanka oo war culus ka soo saaray weerarkii Shabaab ka fuliyeen Hotelka SYL

0
11
An armoured personnel carrier (APC) is seen in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay dhaawacyada ku dhawaad 30 qof oo masuuliyiin ay ku jiraan iyo dhimashada saddex askari.

“Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagaxisada ku qaaday Hotel SYL ee Muqdisho, waxaan tacsi u direynaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxaana bogsasho deg deg ah u rajeyneynaa dadkii kale ee ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay safaaradda Mareykanka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Mareykanka iyo Soomaaliya waxay wadaagaan danaha ku aadan kor u qaadida nabadda iyo barwaaqada, waxaana naga go’an in aan Somalia ka taageerno dadaalada looga adkaanayo kooxda Khawaarijta.”

Maanta duhurkii ayaa lasoo afjaray weerar qaatay in ka badan 10 saacadood oo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha hotelka, waxaana warbaahinta la tusay meydadka afar nin oo weerarkaas fuliyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta tegay Hotelka markii lasoo gabagabeeyey weerarka, wuxuuna indhihiisa ku soo arkay wixii ka dhacay halkaas, isagoo u sii gudbay isbitaalka Digfeer oo dhaawacyadii ugu badnaa uu ku booqday.

Ugu yaraan 3 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale, Weriye Xasan Cadde iyo Taliyaha Haramcad Cabdixamiid Fanax ayaa ka mid ah masuuliyiinta ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Hotel SYL.

Askar iyo saraakiil joogtay baraha koontorool ee ragga weerarka fuliyey ay soo mareen ayaa xabsiga loo taxaabay, sidoo kale waxaa la helay muuqaalada markii ay gudbayeen raggaas Shabaab-ka ah oo muujinaya qaabkii loo sii daayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta deg deg u aaday xarunta NISA, waxaana halkaas lagu siiyey warbixinta, sida ay Shabaab ugu suurtagashay inay soo gaaraan hotelkaas ku yaalla irida laga galo madaxtooyada qaranka.