Maxaa ka jira inuu xanuunsan yahay madaxweyne Geelle?

0
9
Djibouti president Ismael Omar Guelleh holds a press conference with French president at the presidential palace in Djibouti on March 12, 2019. - French President Macron tours Horn of Africa nations, with stops in Djibouti, Ethiopia and Kenya. (Photo by Ludovic MARIN / POOL / AFP)

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wararkaas, oo shalay aad ugu baahay baraha bulshada, sidoo kalena ay weriyeen warbaahinta qaar, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Geelle “loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.”

Hase yeeshee waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

“Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad.

Isha: VOA