Maxaa Maanta ka Cusub KISMAAYO?

0
10

Kismaayo (Caasimada online) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta goboka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada, Ciidamo lixaad lehna lasoo dhoobay .

Wadooyika muhiimka u ah magaalada ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo badan oo ka tirsan maamulka KMG ah ee jubba Axmed Madoobana uu hogamyaha u yahay .

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo xalay ku hoyday Magaalada Caasimada ah ee Nairobi Kenya ayaa iminka dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo

Isgaarsiinta Magaalada ayaa hawada laga saaray , iyadoona ay adgtahay inaad xog dheeraad ah ka hesho sida maanta ay wax u jiraan , waxaana jira Feejignaan iyo Cabsi dadka deegaanku ay muujinayaan

Saaka magaalada waxaa ka dhacay qarax miino nuuca dhulka lag aaso ah kaas oo haleelay gaari Iska-roge ahaa sababayna geerida laba ruux iyo dhaawca afar kal taas oo keenntay in ciidamada heegan buuxa ay galaan .

Maamulka magaalada Kismaayo wali wax faah faahin ah oo ku aadan Qaraxii saaka muusan bixi, sidoo kale kama ayasan hadlin  qaban qaabada ku aadan imaatinka hogamigha maamulkaas , waxaase jira howlgal lagu doonayo in lagu soo qabto dadkii saaka qaraxa qasaaraha dhaliyay geystay.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]