Maxay dowladda Imaaraadka u hakisay baasaboorka Soomaaliya? (Daawo)

0
12
The passports of Somali migrants are seen in Tripoli, Libya, Friday, Jan. 13, 2012. A Libyan security official says border guards have caught 51 Somalis who were trying to sail to Europe when their boat broke down. Tripoli's preventative security chief, Karim Al-Traiki, said Friday the group set sail overnight on an inflatable raft, but their engine stalled at sea, forcing some to swim to shore to ask for help. Libyan guards motored out to retrieve the others. (AP Photo/Rami al-Shaheibi)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka oo kulan su’aalo weydiin ah la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa miiska soo saaray su’aal ku saabsan caqabad Soomaalida ka heysata dal ku galka wadanka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Cumar Xaashi oo guddigaas ka mid ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda, ku xigeenadiisa iyo agaasimayaal ka socday wasaaradda weydiiyey su’aal u dhigneyd “Waxaa nagu maqaalo ah in dowladda Imaaaraad-ka ay fiisaheeda u diiday Soomaaliya oo madaxdeenu ay ku safraan Passport ajnabi ah, markii ay u socdaan Imaaraadka?”

Raage, oo ah agaasimaha arrimaha Carabta ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayey wasiiradu u wakiisheen inuu ka jawaabo su’aashaan, isagoo shaaciyey halka ay caqabadu ka jirto.

“Waxaa dhacay isbedel ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka, xilligii maamulkii hore uu joogay, dowladda Imaaraadka ayaa markaas hakad gelisay baasaboorka Soomaaliya, ilaa hadda arrintaas lama xalin oo sidii ayuu hakad ugu jiraa,” ayuu yiri Agaasime Raage.

Wuxuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka ay furan tahay, balse aysan weli shaqo bilaabin qeybta baasaboorrada ama bixinta fiisaha.

Agaasime Raage ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaalida ah ee dalbaday fiisaha ama dal ku galka Imaaraadka ay helaan intooda badan, iyadoo aysan fureyn waaxdii ku shaqada laheyd.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay kala hadleen wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta, balse ay kala soo daaheen jawaabtii ay ka sugayeen.

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu shaaciyey in safaaradaha caalamka u qaabilsan Soomaaliya ee degan Nairobi – Kenya ay ka dalbadeen inay u soo guuraan Muqdisho, isla markaana ay hadda ka fekerayaan halkii la dejin lahaa safaaradaha soo guuraya ee Muqdisho aan dhulka ku laheyn.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/1009452293736596