Maxkamadda ICJ oo diiday codsi cusub oo ka yimid Kenya iyo Soomaaliya oo haysata fursad weyn

0
7
epa04148201 Judges in the courtroom prior to the announcement of a verdict in the case against Japanese whaling at the International Court of Justice (ICJ), in The Hague, The Netherlands, 31 March 2014. Australia in 2010 had brought Japan to the ICJ asking the leading UN court to rule on Japan's whaling. Australia accuses Japan of commercially hunting whales and hiding the fact behind a loophole in the 1986 whaling ban that allows hunting whales for scientific research. EPA/MARTIJN BEEKMAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

“Kooxdeena difaaca ee kartida leh ee kiiskeena soo bandhigaya ayaa u gudbaya wareegga labaad ee dood afeedka muran xuduueedka badda Indian Ocean ee Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ICJ waxay diiday codsi ka yimdi Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga. Berri waa kolkeena,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kooxda mataleysa Soomaaliya.

Kenya ayaa la rumeysan yahay inay codsigan gudbisatay si ay isaga difaacdo doodda Soomaaliya ee berri lasoo bandhigayo.

Labadii maalmood ee tegay ayaa kooxda Soomaaliya waxay iska difaaceysay doodaha Kenya oo hab qoaal ahaan loo soo gudbiyey, waxaana la filayaa in berri ay Soomaaliya soo gudbisato dooddeeda, mana jirto furad ay Kenya u haysato inay iska difaacdo maadaama ay horey qaadacday dhageysiga dacwadda.

Go’aanka Maxkamadda ay ku diiday codsiga Kenya ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya, iyo qareenada matalaya, sababtoo ah Kenya ma ka haysato fursad ay isku difaacdo.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ayaa iska qoraal uu soo saaray ku yiri: “Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada ayaa go’aamisay in dood afeedka dhagaysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya la soo gabagabaynayo maalinimadda beri ah haddi Allah idmo.”