Maxkamadda ICJ oo ku dhowaaqday xukun adag oo ka dhan ah dalka Uganda

0
9
The International Court of Justice (ICJ), principal judicial organ of the UN, delivers, on 23 January 2020, its Order on the request for the indication of provisional measures presented by The Gambia in the case concerning Application of the Convention on the Prevention and Punishment of the Crime of Genocide (The Gambia v. Myanmar) at the Peace Palace in The Hague, the seat of the Court. Session held under the presidency of Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, President of the Court. The CourtÕs role is to settle, in accordance with international law, legal disputes submitted to it by States (its Judgments are final and binding) and to give advisory opinions on legal questions referred to it by authorized UN organs and agencies.

Hague (Caasimada Online) – Maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ayaa shalay ku dhawaaqday xukun ay dowladda Uganda ku amrayso inay magdhow boqolaal milyan ah siiso dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Magdhowga ay xukmisay maxkamadda ayaa dhan $325 Milyan oo doolar, waxayna la xiriirta dagaalkii arxan darada ahaa ee u dhaxeeyay wadamadan deriska ah ee billowday dabayaaqadii 1990-kii.

Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in magdhowga la siinayo Congo uu yahay waxyeelada dadka iyo hantida dalkaas kasoo gaartay falalkii ay Ugand ku jebisay waajibaadkii caalamiga ahaa ee ka saarna dariskeeda, kuna hubeysay jabhado.

“Maxkamaddu waxay xustay in magdhowga lagu abaalmariyay DRC waxyeelada dadka iyo hantida ay ka tarjumayso waxyeelada soo gaaray shakhsiyaadka iyo bulshooyinka taasi oo ka dhalatay jebinta Uganda ee waajibaadkeeda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweynaha maxkamadda Joan E Donoghue oo ah garsoore Mareykan ah.

Xukunka maxkamadda ee magdhowga ayaa yimid in ka badan 15 sano kadib markii ICJ ay xukuntay xukun adag oo ka koobna 119 bog oo ah in dagaalka ay ciidamada Uganda ku qaadeen dalka Congo uu jabiyay sharciga caalamiga ah.

“Lacag gaareysa $225 Milyan waa magdhowga khasaarada nolosha iyo waxyeelada kale ee dadka oo ay ku jiraan kufsiga, askaraynta caruurta iyo barakac illaa shan boqol oo qof. $40 Milyan waa burburka hantiyeed iyo $60 Milyan ee waxyeelada khayraadka dabiiciga ah.”

Sanadkii 2005-tii ayey aheyd markii maxkamadda ICJ ay sidan oo kale ku xukuntay Ugand inay bixiso magdhow lacageed, laakiin illaa hadda ma bixin.

Si kastaba, lacagta ay xukmisay maxkamadda ayaa aad uga hooseysa codsigii Congo ku dalbatay magdhow in ka badan 11 bilyan oo doolar, kaasi oo lagu sheegay qasaarihii ka dhashay qabashada gobolka Ituri ee Waqooyi-bari ee dalkaasi.