Maxkamadda ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska dacwada badda Soomaaliya

0
3
epa04148201 Judges in the courtroom prior to the announcement of a verdict in the case against Japanese whaling at the International Court of Justice (ICJ), in The Hague, The Netherlands, 31 March 2014. Australia in 2010 had brought Japan to the ICJ asking the leading UN court to rule on Japan's whaling. Australia accuses Japan of commercially hunting whales and hiding the fact behind a loophole in the 1986 whaling ban that allows hunting whales for scientific research. EPA/MARTIJN BEEKMAN

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sheegtay inay maanta soo geba-gebyn doonto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib dhageysiga maanta ay guda geli doonto gaarista go’aanka kiiskan, islamarkaana ay xukmin doonto, inkasta oo aysan shaacin waqti rasmi ah.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Sidaas darteed, ayey tiri maxkamadda, Soomaaliya ayaa maanta soo gudbin doonta dooddeeda ugu dambeysa, saacadda magaalada Hague marka ay tahay 3:00pm, taasi oo ku beegan 5:00pm xilliga Muqdisho.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa shalay ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

Go’aanka Maxkamadda ay ku diiday codsiga Kenya ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya, iyo qareenada matalaya, sababtoo ah Kenya ma ka haysato fursad ay isku difaacdo.