Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisada ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Kenya

0
5
Moussa Faki Mahamat AU Commission chair May 12, 2017 This image is copyright Suzanne Plunkett 2017©. For photographic enquiries please call Suzanne Plunkett or email [email protected] This image is copyright Suzanne Plunkett 2017©. This image has been supplied by Suzanne Plunkett and must be credited Suzanne Plunkett. The author is asserting his full Moral rights in relation to the publication of this image. All rights reserved. Rights for onward transmission of any image or file is not granted or implied. Changing or deleting Copyright information is illegal as specified in the Copyright, Design and Patents Act 1988. If you are in any way unsure of your right to publish this image please contact Suzanne Plunkett on +44(0)7990562378 or email [email protected]

Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa markale ka hadlay xiisada xoogan ee haatan u dhexeysa dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo maalmihii dambe cirka isku shareereysay.

Ugu horreyn guddoomyaha ayaa waalac ka muujiyey xaaladda ka dhex oogan labada dowladood oo horay isugu hayey arrimo la xariirka kiiska Badda ee hor yaalla ICJ.

Moussa Faki Mahamat ayaa ka dalbaday madaxda labada dal inay is xakameeyaan, islamarkaana khilaafaadkooda ay ku xalliyaan wadahadal iyo deganaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi inay ka wada shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka saaxibtinimo ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ururkooda oo kaashanaya beesha caalamka ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan, sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac, loona dhameyn lahaa xiisadooda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay, sidii la’isugu keeni lahaa labada dhinac, si ay u xaliyaan khilaafaadka ka dhexeeya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo, gaar ahaan xuduuda Soomaaliya & Kenya uu xoojiyey xiisada labada wadan.