Mucaaradka Puntland oo u digay IMAARAADKA CARABTA kadib markii la ogaaday in…

0
5
(FILES) In this file handout image provided by the official United Arab Emirates News Agency (WAM) shows Abu Dhabi's Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan meeting with Israel's President in the UAE capital Abu Dhabi on January 30, 2022. - The UAE's long-time de facto ruler Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan was elected as president on May 14, 2022, official media said, a day after the death of former leader Sheikh Khalifa. (Photo by Rashed AL-MANSOORI / WAM / AFP) / === RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO / HO / WAM" - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS ===

Garoowe (Caasimada Online) – Dallada Mucaaradka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanaya Siciid Cabdullaahi Deni.

Dallada ayaa ka dhawaajisey inay ka walaacsan yihiin hadal ka soo yeeray Deni, iyaga oo ka cabsi qaba inay carqaladeeyaan midnimada ciidamada, islamarkaana ay huriyaan colaado lagu gaaraayo damac siyaasadeed iyo mid shaqsi.

Dallada ayaa sidoo kale si kulul uga hadashay ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ay maalgelinayso dawladda Imaaraadka kuna eedeysay qalalaasaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdooyinkan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxaana aaminsanahay inay ka leexiyeen PMPF doorkii ay ka ciyaarayeen la-dagaalanka burcad-badeedda iyo argagixisanimada”.

Dallada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo sharciga si looga hortago falalka amni darrada ah.

Waxay sidoo kale ku booriyeen dawladda Imaaraadka Carabta inay xaqiijiso dhexdhexaadnimada Ciidamada PMPF ee arrimaha siyaasadda iyo u hoggaansanaanta shuruucda Puntland, si loo ilaaliyo xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Puntland.

War-murtiyeedka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro qiyamka Dimuqraadiyadda, lagana hortago caburinta mucaaradka siyaasadeed ee Puntland.

Dallada ayaa xaqiijisay inay ka go’antahay u ololeeyeynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolalkan.