Natiijada imtixaanka dugsiyada sare iyo arday badan oo dhacday

0
29

Muqdishoย  (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada rasmiga ah ee imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo ay u fariisateen illaa 36,034 Arday.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay imtixaanka ku gudbeen arday gaareysa 33,666 oo dhigata iskuulo kala duwan oo ku kala yaalla magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Kaalinta koowaad waxaa kusoo baxay Zakariye Xuseen Maxamed oo dhigta iskuulka Al-marwaazi oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay shaacisay wasaaraddu.

“Kaalinta 1’aad waxaa galay ๐™๐š๐ค๐š๐ซ๐ข๐ฒ๐ž ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง, oo ka socday ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ, Dugsiga ๐€๐ฅ-๐ฆ๐š๐ซ๐ฐ๐š๐ณ๐ข ๐ƒ๐ž๐ฒ๐ง๐ข๐ข๐ฅ๐ž, darjada uu heleyna waa ๐Ÿ–๐Ÿ—%” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale imtixaankan ku dhacay arday badan oo tiradooda gaareysa 2,366 Arday, sida ku cad natiijada ay ku dhowaaqday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegayย  in dowladdu sannadkan waxbarasho siinayso 3,000 Arday, isla markaana fursad gaar ah la siin doonoย  gabdho soo gudbay.

Waxaa kale oo uu xusay in la bari doono tababbar macallinimo iyo Tababbarka Caafimaadka oo la baranayo mudo saddex sanno ah tan oo ah fursad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay qaadeysay imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare, waana mid kamid ah guulaha waa wayn ee uu dalku gaaray.