Qaali Cali Shire: Nabadda Gaalkacyo DENI uma taallo

0
2506

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaan Qaali Cali Shire oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland ee lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena loogu digay maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug.

Puntland ayaa ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu hurinayo colaado, laguna wiiqayo nidaamka dowladnimo ee Puntland, iyadoo sheegtay inay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo maalmihii u dambeeyey ka socday qaybo ka mid ah deegaannadeeda iyo meelaha ku dhow.

Sidoo kale, Puntland ayaa digniin gaar ah u dirtay maamulka Galmudug, oo ay xuduud dheer la wadaagto, gaar ahaan gobolka Mudug oo magaalada Gaalkacyo ay labada maamul kala maamulaan. Waxay Galmudug ugu baaqday in aysan garoomadeeda diyaaradaha iyo dhulka ay maamusho u oggolaan in laga soo gudbiyo saanad ciidan, hub iyo maleeshiyaad ay Puntland sheegtay in loo adeegsan karo weerarro ama qalqal-gelin ka dhan ah deegaannadeeda.

Intaas kadib waxaa iyana qoraal soo saartay Xildhibaan Qaali Cali Shire oo laga soo doortay Galmudug, waxaana ay jawaab siisay Puntland, iyada oo sheegtay in nabadda Gaalkacyo uusan shaqo ku lahayn Madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), isla markaana aan waxba laga waydiin doonin.

“Nabadda Gaalkacyo ma aha arrin laga waraysanayo Madaxweyne Dani iyo cid kasta oo la halmaasha, ee waa mid u taalla dadka degaanka wadaagga ah ee reer Gaalkacyo. Sidoo kale, ma aha mid si gaar ah ay uga shaqeeyeen Galmudug iyo Puntland, balse waa guul ka dhalatay dadaalka iyo is-afgaradka ay muujiyeen beelaha walaalaha ah ee deegaanka wada dega,” ayay tiri Qaali.

Sidoo kale waxa ay beenisay eedda kasoo yeertay Puntland ee ku aadan hubka ay sheegtay in lasoo dhex-mariyo deegaannada Galmudug.

“Dhanka kale, diyaaraddii caanaha booraha noo keeni jirtay ayaad xitaa ku tilmaantay inay rasaas waddo. Fadhiyadii iyo alaabtii aan Jawaanada ku keenayna waxeey kuula ekadeen rasaas. Arrintaasi ma waafaqsana xaqiiqada,” ayay mar kale tiri Xildhibaannaddu.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Waxa halkaas ka muuqda inuu ku dhibayo waa in doorasho heer federaal ah lagu qabto deegaankaas. Hase yeeshee, waxa maanta ka jira waa isfahan iyo wadajir, ee ku soco”.

Ugu dambeyn waxay qoraalkeeda kusoo gabagabeysay farriin ay dirtay shacabka Galmudug oo ay ugu baaqday inay gacmaha is qabsadaan. “Dadka degaankaas gacmaha ayay is haystaan. Sidaas darteed, hadallo horseedi kara colaad ama kala fogeyn looma baahna. Dabadeedna in la yiraahdo “hawiyaa igu soo duulay” wax xal ah ma keenayso, ee waxay sii fogeynaysaa isfahamka. Nabaddaa naas la nuugo leh; ilaalinteeduna waa waajib qof walba saaran”.