QM oo war kasoo saartay diyaaraddii iyo shaqaalihii u gacan galay Al-Shabaab

0
18
A United Nations helicopter offloads supplies at the airport, to be taken to a nearby U.N. camp where the displaced have sought shelter, in Malakal, South Sudan Monday, Dec. 30, 2013. When violence broke out in Juba on Dec. 15 life remained calm but tense in Malakal, the capital of oil-producing Upper Nile state, but the violence then radiated outward from Juba and full-fledged war broke out in the town on Christmas Day, as army commanders defected and pledged allegiance to the country's ousted vice president, in most cases pitting the ethnic group of President Salva Kiir, a Dinka, against ethnic Nuers. (AP Photo/Ben Curtis)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray diyaarad u kireysneyd iyo shaqaale saarnaa oo shalay u gacan galay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay deegaan ay maamusho.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, oo ay maamusho kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay cilad farsamo ku timid.

“Qaramada Midoobe waxay xaqiijineysaa inay jirto dhacdo diyaaradeed oo la xiriirta diyaarad u kiraysneyd QM, taasi oo ka dhacday deegaanada Galmudug ee Soomaaliya. Diyaaradda waxay ku guda jirtay daabulaad caafimaad oo dhanka hawada ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya.

“Qaramada Midoobe waxay ku jirtaa hanaan ay ku ururineyso akhbaaraadka la xiriira. Waxaa socdaa dadaallo looga jawaabayo, waxaana akhbaar dheeri ah idinla wadaagi doonnaa marka la helo,” ayey tiri.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Beledweyne, waxayna kusii jeeday degaanka Wisil ee gobolka Mudug, sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ku sugan degaanka Wisil.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay sidday dawo, islamarkaana cilad ku timid ay sababtay inay si deg deg ah ugu degto degaanka Xiindheere.

Waxa kale oo uu sheegay in toddobada qof ee saarnaa diyaaradda, lix ka mid ah loo maleynayo inay yihiin ajaanib, halka qof kale uu yahay Soomaali. Waxa uu sheegay inay weli baarayaan xaqiiqda dhabta ah ee dhacdadan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ay gubtay diyaaradda.

“Masuuliyiin saaxiibo ah oo isla joogno ayaa hadda agteyda ku wareysanayeen dadka meesha jooga, diyaaradii inay gubeena wey u xaqiijiyeen oo dadkii saarna ay wateen ayey u xaqiijiyeen,” ayuu yiri guddoomiye Faarax Diiriye.

Warkan ayaa si madax-banaan loo xaqiijin karin. Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadal dhacdadan.