Laascaanood (Caasimada Online) โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSCโKhaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah.
Mashaariicdan ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hirgelinaysa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka KMG ah SSC-Khaatumo.
Raโiisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.
Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:
๐. ๐๐๐๐๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.
๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐, ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐ง๐จ๐จ๐.
๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ฅ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.
๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐
๐๐ซ๐ฌ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐.
๐. ๐๐๐๐๐จ ๐ฅ๐๐๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฆ๐๐ค๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐
๐. ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐๐๐ง ๐ฆ๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.
๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐ก (๐๐๐๐๐).
8. ๐๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ( ๐๐ญ๐๐ญ๐ ๐๐จ๐ฎ๐ฌ๐ ๐๐จ๐ฌ๐ฉ๐ข๐ญ๐๐ฅ).
Raโiisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.
Raโiisul Wasaaraha oo maanta soo gaba-gabeynaya booqashadiisa Laascaanood ayaa halkaasi kulamo muhiim ah kula qaatay hoggaanka SSC, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo dowladda federaalka xaqiijisay taageeradeeda SSC, oo haatan si weyn isku hayaan Somaliland.
Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Raโiisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.






















