Saldhig uu Mareykanka ku leeyahay Iraq oo weerar gantaallo ah lagu qaaday

0
9
Iraqi counter-terrorism forces stand guard in front of the US embassy in the capital Baghdad on January 2, 2020. - The US embassy siege by pro-Iran protesters in Baghdad lasted just over a day, but analysts warn it could have lasting implications for Iraq's complex security sector and diplomatic ties. On Tuesday, hundreds of Hashed supporters stormed the high-security Green Zone and besieged the US embassy. The ease with which they breezed past US-trained forces demonstrated the Hashed's dominance in Iraq, said Harith Hasan, an expert at the Carnegie Middle East Center. (Photo by AHMAD AL-RUBAYE / AFP)

Baghdad (Caasimada Online) – Saldhig ku yaalla waqooyiga magaalada Baghdad oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka ayaa shalay gelinkii dambe lagu garaacay gantaallo, waxaana halkaas ku dhaawacmay afar askari oo Iraqi ah.

Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha weerarka kasoo gaaray ciidamada Mareykanka, haddii ay jiraan.

Salhigga Al-Balad, oo ah halka ay ciidamada Mareykanka ku dayac tiraan diyaaradaha dagaalka ee F-16, ayaa waxaa lagu dhuftay lix gantaal. Qaar ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay maqaayad ku dhex taal saldhigga.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Iran ay gantaallo ballistic ah ku garaacady laba saldhig oo ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Iraq, inkasta oo aysan wax khasaare nafeed ah kasoo gaarin ciidamada Mareykanka.

Inta badan ciidamada cirka Mareykanka ee jooga Baghdad ayaa ku sugnaa saldhigga Al-Balad, oo 80km waqooyi kaga beegan magaalada Baghdad. Hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyey ayaa la sheegay in ay billaabeen inay halkaas ka baxaan.

“Saddex askari oo Iraqi ah oo ilaalo ka ahaa albaabka saldhigga ayaa dhaawacmay.” Waxaa sidaas yiri Colonel Mohammed Khalil oo ah sarkaal ka tirsan booliska gobolka waqooyi ee Saladin.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sarkaal Mareykan ah kasoo xigatay in khuburo Mareykan ah, tababarayaal iyo la-taliyayaal Mareykan ah ay ku sugnaayeen saldhigga, markii weerarka lagu qaaday.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’iiliyadda weerarka. Hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha hubeysan ee Shiicada Iraq, oo ku xiran Iran.