Salomon Kalou oo amaan kala dul dhacay milkiilaha Chelsea.

0
6

Stamford Bridge waxaa ka jira hal maamule, mana ahan Roberto Di Matteo.

Iyadoo  uusan midna ku nagaan Carlo Ancelotti, Phil Scolari, Andre Villas-Boas xittaa Special One, Jose Mourinho.

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruusha Roman Abramovich ayaa ah ninka keliya eel eh isbedelka Chelsea, sida uu qabo xidigii hore ee kooxda Blues Salomon Kalou.

Kalou, oo wareysigiisii u horeeyey bixinaayey tan iyo markii uu Chelsea kaga biiray kooxda Faransiiska ka dhisan ee Lille, ayaa daaha ka qaaday: “Roman wuxuu leeyahay aragti dheer waana ogyahay sida ay u dhacayaan wax uu doonayo.

“Wuxuu leeyahay ujeed ‘Waxaan doonayaa inaan kooxdaan masuul ka ahaado, waxaana doonayaa inaan wax yaabo ka shaqeeyo’

“Ciyaaryahanadu wey ilaabi karaan waxayna u dhahayaan ‘OH, Chelsea sideed sano waxay aheyd kooxda ugu sareysa, ma aanan qaban shaqo adag waxaana u ciyaari doonaa wado kasta.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.