Saraakiil sare oo Kenyan ah oo tegay Beled-Xaawo iyo qorshaha ay u socdeen

0
17
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Beled-Xaawo (Caasimada) – Magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo waxaa la sheegay in shalay ay soo gaareen saraakiil ka tocota dowladda Kenya oo ay hoggaaminayaan Taliyaha militeriga iyo kan sirdoonka Kenya, kadib dagaalkii maalin ka hor dib uga soo cusboonaaday xuduuda labada dal.

Saraakiishaas ka socotay dowladda Kenya ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Beled-Xaawo, odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Beledxaawo, waxaana kulamadaas looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka soo noqnoqday ee xuduuda magaalooyinka Mandhera iyo Beled-Xaawo.

Qodobadii looga hadlay kulamadii dhex maray dhinacyadaas ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanaa sidii dagaal dambe uusan uga dhici laheyn xadka labada dal ayaa intooda la isla qaatay, sida ay warbaahinta u sheegeen xubno ka qeyb galay.

Saraakiisha Kenya waxaa la sheegay inay kulankaas ka balan qaadeen in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dhankooda cidii carqaladeysa amniga xuduuda, sidoo kale saraakiisha Soomaaliya ayey ka codsadeen in dhankooda ay dhowraan nabadda magaalooyinka deriska ah ee Mandhera iyo Beled-Xaawo

Guddoomiyaha degmada Beled-xaawo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi oo kulankaas qeyb ka ahaa ayaa sheegay in dhinacyadu ay isla qaateen dhaamaan qodobadii laga wada hadlay oo u badnaa sidii looga hor tegi lahaa dagaal dambe oo ka dhaca xuduuda.

Axmed Barre ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay saraakiisha Kenyanka ah ka dalbadeen inay tallaabo ka qaadaan wasiirka amniga Jubbaland iyo ciidamadiisa  oo uu ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay halkaas.

Ugu dambeyntii guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in saraakiisha ka socotay Kenya ay u balan qaadeen inay xakameyn doonaan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Jubbland ee ku sugan magaalaada Mendheera, kuwaas oo ka amar qaata wasiir Janan.