Sawirro: Cabdi Welli Gaas oo tagay magaaladii laga sugayay kana hadlay wuxuu lasoo kulmay

0
8

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa tagay maanta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo saacadihii ugu dambeeyay laga sugayay .

Madaxweyne Gaas oo markii uu tagay magaalada Boosaaso warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay waxyaabaha uu kala soo kulmay dalalka Sacuudiga iyo Ethiopia oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay.

Gaas ayaa sheegay in Ethiopia uu kula soo kulmay madaxda dalkaasi uuna kala arimaha amaanka iyo horumarka deegaanada Puntland.

Dhanka Sacuudiga ayuu sheegay inuu kula kulmay maalqabeeno dooneysa iney maalgashi ku sameeyaan deegaanada maamulkaasi.

Boosaaso92 Boosaaso94 Boosaaso95 Boosaaso99 Boosaaso Boosaaso1 Boosaaso4 Boosaaso6 Boosaaso8 Boosaaso92 Boosaaso94 Boosaaso95 Boosaaso97 Boosaaso99