Sawirro: Dowlada federaalka oo guul wayn ka sheegatay dagaal maanta ka dhacay…

0
3359
Somalian soldiers drive on the back of a military vehicle in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Janaale (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guul wayn ka sheegatay howlgal culus oo uu xigay dagaal xoogan oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadk ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Busleey ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dawladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM, isla markaana laga gaaray guul weyn, maadaama howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Dawladda ayaa sidoo kale sheegay in cagta la mariyay bar koontarool oo ay kooxda ku lahayd halkaasi, oo ay u adeegsan jireen inay ku dhibaateeyeen dadka deegaanka ah.

“Ciidanka Qaranka ayaa si geesinimo leh u burburiyay fariisinka cadowga ay ku lahaayeen halkaas” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dawladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli ciidamada ay sii wadaan howlgallada ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga deegaanka Busleey.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan kooxaha argagixisada, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo culus oo ay la galaan ciidamada dawladda iyo kuwa shisheeye.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaan ayaa laga gaaray natiijo wax ku ool ah, iyada oo la xoreeyay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku haysay Al-Shabaab.