Shacab Soomaali ah oo dagaal kala hortagay qorshe ay wadeen ciidanka Kenya

0
11
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Gedo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo dad Shacab ah ku dagalaameen bartamaha degmada, sida saraakiil ku sugan Ceelwaaq ay xaqiijiyeen.

Israsaaseyn ka dhacday degmada ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii Shacabka degmada ay ka hor yimaadeen qorshe ciidamada Kenya damacsanaayeen oo ah inay qalab dhismo dhex marsiiyaan degmada.

Qalabkaasi dhismaha ah ayaa ah mid ciidamada ay doonayeen inay ku jeexaan goob la doonayo in lagu balaariyo dhismaha darbiga Kenya ay dooneyso inay ka dhisto dhanka xuduuda Soomaaliya.

Korneyl Aadan Xersi oo kamid ah saraakiil ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay rasaasta ku fureen shacabka is hor istaaga ku sameeyay qorshaha ay damacsanaayeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in rasaasta ciidamada Kenya ay ridayeen aysan geysan wax khasaaro ah, isaga oo amaanay shacabka ka hor yimid qorshaha ciidamada Kenya.

“Waxay ula tageen gacan iyaga oo muujiaya inay sharafta iyo cisiga difaacayaan, waxaa kusoo biiray shacab kale, rasaas ayaa ciidamada Kenya ku rideen shacabka laakiin wax khasaaro ah ka geysan, wali aaga waxaa ku sugan ciidamada Kenya”

“Waxay ciidamada Kenya doonayeen inay qalabka dhismaha dhex dhigaan degmada, iyaga oo doonaya inay darbi cusub dhisaan, waxay doonayaan inay ka leexdaan xuduudii gumeystaha iclaamiyay”ayuu yiri KorneylAadan Xersi.

Kenya ayaa dooneysa inay dhisto darbi weyn oo dhanka xuduuda ah, waxaana marar badan arintaasi ka hadlay masuuliyiinta dowladda, iyadoo aysan joojin Kenya dhismaha darbiga dhanka xuduuda.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
[email protected]