Shacabka BOOSAASO oo horseeday in la fashiliyo qarax culus oo la qorsheeyey

0
16
An aerial view taken from a NATO military helicopter shows Somalia's northern port town of Bossaso, June 16, 2009. International navies are patrolling the busy shipping lanes off Somalia to try and prevent hijacks that have worried shipping firms, driven up insurance costs and prompted some vessels to avoid the Gulf of Aden. Picture taken June 16, 2009. REUTERS/NATO/Handout (SOMALIA CONFLICT MILITARY CITYSCAPE) FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS - GM1E56H1G5O01

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, sidoo kalena ah xarunta Bari.

Howlgalkan oo qaraxyo lagu fashiliyay ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland, kadib markii ay xog ka heleen dadka shacabka ah, oo soo sheegay qaraxyo la qorsheeyey.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay soo saareen qaraxyo lagu diyaariyay merfish jaad oo ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso, ayaga oo aan geysan wax khasaare ah.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa ay isku hareeyay goobta, waxayna kadib xireen aagga meesha qaraxyada lagu diyaariyay, taas oo sahashay in la fashiliyo qaraxyadaas, ayaga oo aan dhalin wax khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeed intaba.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso oo ka hadlay howlgalkaas ayaa sheegay inuu guuleystay, waxayna u mahadceliyeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada oo weli ku xoogan qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ee Puntland.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan fuliya weeraradaas, kuwaas oo ka hortag kala kulma ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Si kastaba, todobaadkan ayey aheyd markii 13 kamid ah Shabaab iyo Daacish lagu toogtay magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Garoowe, kadib markii horay xukun loogu riday.