Shirkad caalami ah oo ka dhiseysa Soomaaliya dekad ay ku kaceyso $366 milyan

0
6
An aerial view taken from a NATO military helicopter shows Somalia's northern port town of Bossaso, June 16, 2009. International navies are patrolling the busy shipping lanes off Somalia to try and prevent hijacks that have worried shipping firms, driven up insurance costs and prompted some vessels to avoid the Gulf of Aden. Picture taken June 16, 2009. REUTERS/NATO/Handout (SOMALIA CONFLICT MILITARY CITYSCAPE) FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS - GM1E56H1G5O01

Boosaaso (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee Dubai ayaa sanadkan dhammayn doonta $366 milyan oo lagu ballaarinaayo dekedda Boosaaso ee Soomaaliya, sida ay qortey shabakadda Bloomberg oo soo xiganaysa Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda ee Puntland Axmed Yaasiin Saalax.

Dib u dhiska iyo ballaarinta ay waddo shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso ayaa la filayaa in la soo geba-gebeeyo dhammaadka sanadkan, sida uu sheegay wasiirka dekedaha Puntland

Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan $366 milyan oo dollar, waxa maal-gelinaya qayb ka mid ah shirkadda DP World ee Dubai. Dekeddan ku taala Gacanka Cadmeed ee Puntland ayaa ka mid ah dhowr xarumood oo ay shirkaddu ka horumarinayso Geeska Afrika.

“Marka la eego, in ay ku taal meel istiraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo lagu soo jiidan karo ganacsatada gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Axmed Yaasiin Saalax, wasiirka dekedaha Puntland.

Axmed yaasiin Saalax ayaa sheegay wejiga labaad ee ballaarinta ayaa billaaban doona sanadka soo socda.

Qeyb ka mid ah DP World ayaa ku guuleysatay heshiis 30 sano ah 2017 si ay u horumariyaan oo ay u maamulaan dekedda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Heshiiskii 2017 ayaa sidii uu ahaa u socon waayey, waxaana meesha laga saarey shirkaddii P&Ports, ee heshiiska gashey.

Dekadda Bosaso ayaa qayb yar oo ka mid ah hadda dhisme ku socdaa, taas oo ay dhiseyso shirkad yar oo ka shaqeysa dhismayaasha, lamana sheegin dhaqaalaha ku baxaya inta uu le’eg yahay.

Wasiirka Dekadaha Axmed Yaasiin Saalax ayaa horey ugu fashilmey in isbeddelka heshiiska lagu sameeyey uu horgeeyo baarlamanka Puntland.

Dhaqaalaha gaaraya $366 milyan waa heshiiskii madaxweyne Cabdiweli Gaas uu galay kaas oo ahaa dekad weyn oo caalami ah, waxaana la is-weydiinayaa warkan cusub ee wasiirku u sheegay Bloomberg waxa sax ka ah.