Soomaalida dalka Kenya oo walaac ka muujiyay HADAL kasoo yeeray Raila Odinga

0
8
Kenya's defeated presidential candidate Raila Odinga speaks to supporters as he arrives to hold a press conference at the Kenyatta International Convention Centre (KICC) in Nairobi on August 22, 2022, after filing a petition to the country's top court challenging the result of the August 9, 2022 election that handed victory to his rival William Ruto. - Odinga, a veteran opposition leader who ran with the backing of President Uhuru Kenyatta and the ruling party, has rejected the outcome of the poll, branding it a "travesty." He narrowly lost to Ruto by around 230,000 votes -- less than two percentage points. (Photo by Yasuyoshi CHIBA / AFP)

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan meel fagaara ah tageerayaashiisa ugu sheegay in uusan aqoonsanayn madaxwaynaha tallada haya ee William Ruto iyo dowladdiisa.

Kenya oo ah dal ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa qaar kamid ah waxay walaac ka mujiyeen hadalka Odinga, iyagoo ka cabsi qaba in hadalkiisu uu rabshado Kenya ka dhaliyo oo ay dhacaan qalalaase siyaasadeed.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xilligaan aan lagu jirin waqti olole doorasho, balse ay tahay mid laga sugayo dowladda cusub in ay la timaado isbedel wax ku ool ah.

“Waxaa u arkaan hadalka kasoo yeeray Raila Odinga waa kasoo horjeeda sababta oo ah xiligaan laguma jiro olole doorasho, Odinga xiligiisa waa dhamaadeen in hadda fawdo iyo khal-khal amni dalka galiyo waxa kasoo horjeeda, waxaana ugu baaqi lahaa in ay dhibaatada wadanka ka daayan,” ayuu yiri wiil kamid ah dhalinyarada ku nool Nairobi oo la hadlay VOA.

“Xukun maxkamadeed in uu kasoo daba hadlo Raila Odinga ma ahayn, in uu sidaas u hadlo ceeb ayay ku tahay sharafkiisa, dadka Soomaali-Kenyanka ku nool Islii dan nooguma jirto qalalaasaha iyo dhibtaas.”

Kadib markii ay soo idlaatay doorashooyinkii guud ee dalka Kenya ka dhacay sanadkii hore, Rail Odinga ayaa qaadacay natiijadii guddiga madax-banaan ee doorashooyinka ugu dhawaaqeen Ruto in uu yahay madaxweynaha guuleystay.

Laakiin maxkamadda sare ee Kenya oo muddo laba toddobaad darseysay dacwada ay mucaaridka u gudbiyeen ayaa 5-tii bishii 9-aad waxay ku raacday guddiga doorashada natiijadii uu hore ugu dhawaaqay ee shahaadada guusha ku siiyeen madaxweynaha haatan talada haya ee William Ruto.

Odinga ayaa xiligaas sheegay in uu aqbalayo go’aanka maxkamadda, balse uusan ku raacsaneyn go’aanka ay gaartay. Raila ayaa waxa uu sheegay in isku soo baxyo kale uu qaban doono maalmaha soo aadan.

Raila oo ah nin saameyntiisa leh, haystana taageerayaal daacad u ah ayaa sii xoojineysa walaaca ay qabaan Soomaalida ku nool dalka Kenya.