Stevan Jovetic oo sheegay inuusan ka tegeyn Fiorentina.

0
15

Weeraruyahanka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic  ayaa sheegay inuusan meelna uga socon kooxda Talyaaniga ka dhisan.

23-jirkaan ayaa lala xiriirinaayey Juventus iyo Manchester City bilihii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu qirtay inuusan dooneyn inuu ka tago Viola.

“Halkaan ayaan ku fiicanahay,” ayuu u sheegay Rai Sport.

“Kamategi doono.Kama fikiraayo wax quseeya inaan baxo, xittaa hadii aanan garaneyn waxa dhici doona nolasheyda.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.