Tigrayga oo dib u qabsaday MAGAALO muhiim ah iyo isbeddel lama filaan ah oo ku yimid dagaalka Itoobiya

0
16
FILE - In this Tuesday, June 29, 2021 file photo, Tigray forces ride in a truck after taking control of Mekele, in the Tigray region of northern Ethiopia. The leader of the Oromo Liberation Army armed group that Ethiopia's government has designated a terrorist organization says his group has struck a military alliance with the Tigray forces, in an interview on Wednesday, Aug. 11, 2021. (AP Photo, File)

Lalibela (Caasimada Online) – Ciidamada Tigrayga Ethiopia ayaa maanta dib u qabsaday magaalada waqooyi ee Lalibela, oo ay hay’adda UNESCO u aqoonsan tahay dhaxal adduun, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qabsashada Tigrayga ayaa imaneysa 11 maalmood kadib markii ciidamada federaalka Ethiopia ay sheegeen inay dib ula wareegeen magaalada.

Warkan ayaa ka dhigan isbeddel kale oo lama filaan ah oo ku yimid dagaalka ka socda Ethiopia, oo toddobaadyadii tegay u muuqday mid ay dowladda guulo ka gaareyso kadib bilooyin aad loo jebiyey.

Dagaal-yahanada Tigrayga “waxay joogaan xarunta magaalada, mana socdo wax dagaal ah,” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

“Haa waa ay soo laabteen, halkan ayeyba joogaan mar hore,” waxaa sidaas yiri qof kale oo degan magaalada oo intaas ku daray inay u muuqdeen inay ka yimaadeen dhinaca bari ee jihada Woldiya.

“Inta badan shacabka magaalada cabsi ayaa haysa. Qaarkood waa ay cararayaan. Kuwa badan ayaa ka baxaya magaalada ayaga oo ka cabsi qaba in laga aarguto.”

Bayaan kasoo baxay hoggaanka Militari ee TPLF ayaa lagu sheegay “inay weerar rogaal celis ah ay dhowr jiho magaalada kaga soo qaadeen, gaar ahaan waddada xiriirisa Gashena iyo Lalibela.”

“Ciidamadeena markii hore way is-difaaceen kadib waxay qaadeen weerar celis ka dhan ah ciidamada huwanta ee soo weeraray jiidda Gashena iyo aagga ku hareereysan, waxayna gaareen guul xooggan,” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Lalibela oo 645 km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa xarun u ah 11 kaniisad oo qadiimi ah, waana goob ay u cibaado tagaan Kirishtanka Ethiopia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii