Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanka Maxamed Axmed “Qoomaal” oo Sabtidii dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa si duwan fannaaniinta kale muujiyay, isagoo markii uu diyaaradda ka degay Carada ama dhulka shumiyay.
Fannaan Qoomaal oo in ka badan 20 sano dalka ugu maqnaa qurbaha, gaar ahaan Ingriiska ayaa wuxuu sheegay in uu hilow u qabo dalkiisa isla markaana uu ku faraxsan yahay imaanshahiisa.
Soo laabashada Qoomaal ayaa qeyb ka ah barnaamijka nabadeynta Muqdisho oo Fannaaniin ay ka mid tahay Hiba Nuura ay dib ugu laabatay Muqdisho, ilaa haddana ku sugan, iyadoo bandhigyo lagu hormarinayo nabadda iyo iftiinka Muqdisho kusoo bandhigay tan iyo markii ay tagtay Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho