Video: Trump oo shaaciyey go’aan aan laga fileyn oo uu kula kulmayo Rouhani

0
4
epa06259249 A handout photo made available by the presidential official website shows Iranian President Hassan Rouhani speaking during the cabinet meeting in Tehran, Iran, 11 October 2017. Media reported that US president Donald Trump is to set to deliver a speech this week to decline Iran's 2015 nuclear deal with world powers. Following this Iranian President Hassan Rouhani said on 11 October 2017 that not Iran, but Trump will be a loser in the nuclear dispute. EPA/PRESIDENTIAL OFFICIAL WEBSITE HANDOUT HANDOUT EDITORIAL USE ONLY/NO SALES

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay hadal kale oo yaab leh oo ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal toos ah la yeesho Iran.

Shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Trump waxaa lagu weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani.

“Waxaan aaminsanahay kulamada” ayuu ku jawaabay Trump, oo intaas ku daray “In lala hadlo dadka kale, gaar ahaan marka ay timaado halista dagaalada, dhimashada iyo macluusha, waa inaad kulamo sameysaa, ma jiro wax dhib ah oo ku jira in la kulmo”

Trump ayaa xusay inuu kulamadii fool-ka-foolka ahaa ee uu dhowaan la yeeshay hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay tusaale u yihiin diblomaasiyad toos ah oo lala yeesho dalal loo arko inay cadow ku yihiin danaha Mareykanka.

“Sidaa darteed waan la kulmayaa Iran, haddii ay doonayaan inaan kulano. Ma aqaan haddii ay diyaar u yihiin. Waxaan filaa in hadda xaalka ku adag yahay, balse watqi kasta oo ay diyaar yihiin waan la kulmayaa”

Madaxweyne Trump ayaa dhowaan ka baxay heshiiskii lixda dal ee Mareykanka uu ka midka ahaa ee sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijka Nuclear-ka Iran, isaga oo ku sheegay heshiis hal dhinac ah oo aan dan ugu jirin Mareykanka.

Warkan oo muuqaal ah iyo wararkii ugu dambeeyey hoos ka daawo.