Video: Xildhibaa Xiddig  “Waa khiyaano muranka xuduudda ee Kenya”

0
81

Waxaa sii xoogeysanaya  baqdinta iyo walwalka ay shacabka Soomaalidu ka qabaan xad gudubka ciidamada Kenya ee deegaano kamid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa si iskood ah u calaamadsanaya xariiqa lagu muransanyahay ee u dhaxeeya gobolada jubooyinka iyo gobolka Soomaalida waqooyi bari ama NFD.

“Muranka xagga xuduudaha ah ee ay wado Kenya waa arin ka qoto teer sida ay umuuqato, oo u baahan taxadar iyo feejignaan dheeri ah”  waxaa sidaasi Hanoolaato u sheegay Xildhibaan C/Rashid Maxamed Xiddig oo kamid ah baarlamanka Soomaalida.

Lifaaqan hoose ka daawo wareysiga oo buuxa