Wafti ka socda Somalia oo kusii jeeda ICJ iyo wararkii u dambeeyey kiiska badda

0
6
epa04148201 Judges in the courtroom prior to the announcement of a verdict in the case against Japanese whaling at the International Court of Justice (ICJ), in The Hague, The Netherlands, 31 March 2014. Australia in 2010 had brought Japan to the ICJ asking the leading UN court to rule on Japan's whaling. Australia accuses Japan of commercially hunting whales and hiding the fact behind a loophole in the 1986 whaling ban that allows hunting whales for scientific research. EPA/MARTIJN BEEKMAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo sii-haya xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , iyada oo ay wehlin doonaan wasiiro, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ICJ gaarsiin doono dukumintiyo muujinaya milkiyadda Biyaha ay haatan isku hayaan labada dal.

Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooda labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galaan aalada fogaan-aragga ah (Video Conference), sababo la xiriira cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo wadamo badan ku laba-kacleeyey.

Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay ICJ.

Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenyana ay heystaan  qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala u doodayo labada dhinac.