WAR CULUS: Nin Soomaali ah oo noqday amiirka guud ee ISIS – Kadib maxaa dhacay?

0
14
A masked man speaking in what is believed to be a North American accent in a video that Islamic State militants released in September 2014 is pictured in this still frame from video obtained by Reuters October 7, 2014. The FBI said October 7, 2014 it was seeking information on the man's identity, and issued an appeal for help in identifying individuals heading overseas to join militants in combat. REUTERS/FBI/Handout via Reuters (UNITED STATES - Tags: POLITICS RELIGION CONFLICT) THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS. FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayey suurta-gal tahay inay dileen hoggaamiyihii guud ee kooxda Daacish ee caalamka Cabdulqaadir Muumin, sida lagu sheegay warbixin cusub.

Cabdulqaadir Muumin ayaa ahaa bartilmaameedka duqeyn uu Mareykanka 31-kii May ka fuliyey meel 50-mile koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso, sida ay saddex sarkaal oo Mareykan ah u sheegeen NBC News.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida lagu sheegay bayaan xilligaas ka soo baxay AFRICOM.

Si kastaba, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weli aysan go’aamin in Muumin uu ka mid ahaa kuwa lagu dilay howlgalka.

Muumin ayey Mareykanku si shaacsan u sheegeen inuu yahay madaxa Daacish ee Soomaaliya, hase yeeshee laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa hadda shaaca ka qaaday in uu si hoose ugu gudbay xilka hoggaamiyaha guud ee Daacish ee caalamka oo dhan, sanadkii tegay.

Amiirkii Daacish ee isaga xilka kaga horreeyey Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya bishii November 2022.

Daacish ayaa waxa ay Soomaaliya ku leedahay 100 illaa 200 oo mintidiin ah oo badankood ku sugan waqooyiga, gaar ahaan gobolka Bari, hase yeeshee waxaa jira kooxo kale oo ku fidsan qaaradda Afrika, oo ay ku jiraan dalalka Libya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Mozambique.

Kooxda argagixisada ayaa weli haysata kumannaan argagixiso oo ku kala sugan adduunka oo dhan, iyadoo badankooda ay ku badan yihiin waqooyiga Ciraaq iyo waqooyi bari Suuriya, sida ay sheegeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka.

Balse sababtoo ah Maraykanka oo si wax ku ool ah u beegsaday hoggaanka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, hoggaamiyeyaasha ISIS waxay u arkaan Afrika “meel ay tahay inay maal-gashadaan, halkaas oo ay awood u leeyihiin inay si fiican oo xor ah uga howl-galaan, waxayna doonayaan inay ballaariyaan unugga Daacish ee halkaas,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in Muumin uu mas’uul ka yahay weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dil sannadkii 2019-kii lagu khaarijiyey mas’uul ka tirsanaa hay’adaha garsoorka ee gobolkiisa.

Mareykanka ayaa 2016 ku daray liiska argagixisada caalamiga ah, ayaga oo sheegay inuu halis ku yahay amniga qaranka Mareykanka, siyaasadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Mareykanka. 

In Muumin uu la wareegay xilka madaxii ugu sarreeyey ee Daacish ayaan si weyn loo ogeyn, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah.

Waxa uu xilka kala wareegay Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022.

Labadii madax ee hore ee Daacish, oo uu ku jiro hoggaamiyihii ugu caansanaa, Abu Bakar al-Baghdadi, ayaa is dilay markii ay hareereeyeen militariga Mareykanka kadib weerar lagu qaaday.