Warqad Mareykanka uu ka soo saaray ciidanka Iraq ka jooga oo jahwareer dhalisay

0
13
United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force - Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)

Washington (Caasimada Online) – Jahwareer ayaa ka dhashay warqad kasoo baxday militariga Mareykanka ee Iraq, oo si hoose loo dusiyey, taasi oo lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay isku diyaarinayaan inay dalkaas ka baxaan.

Warqaddaas ayaa waxaa mar dambe diiday wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, oo sheegtay in ciidamada Mareykanka aysan ka baxeyn Iraq.

Warqadda oo uu qoray taliyaha ciidamada Mareykanka ee jooga Iraq, Brig. Gen. William Seely ayaa loo diray taliyaha ciidamada Iraq Lt. Gen. Abdul Amir, waxaana lagu sheegay in ciidamada Mareykanka “ay isku diyaarinayaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda inay ka baxaan Iraq.”

“Waxaan ixtiraameynaa go’aanka madax-banaanidiina ee aad ku amarteen bixitaankeena,” ayaa lagu yiri warqadda.

Warqadda ayaa timid maalin kadib markii baarlamanka Iraq uu meel-mariyey qaraar ku baaqaya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaas. Qaraarka ayaa ah soo jeedin kaliya, mana ahan mid xukuumadda ku qasbaya inay ku dhaqanto.

Saacado kadib warqadda, ayaa xogahayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper iyo taliyaha talisyada ciidamada Mareykanka Jeneral Mark Milley waxay qabteen shir jaraa’id oo ay ku sheegeen inaysan jirin go’aan ciidamada Mareykanka looga soo saarayo Iraq.

Jeneral Milley ayaa sheegay in warqadda ay ahayd  “mid qalad ah”. Wuxuu intaas ku daray inay ahayd qabyo qoraal, aan loogu talo-gelin in Iraq loo diro.

Mareykanka ayaa waxaa Iraq ka jooga qiyaastii 5,000 oo askari oo ciidamada dalkaas ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.