Wasiirka batroolka DF oo saxiixay heshiis shidaal iyo Farmaajo oo iska fogeeyey

0
17
Abdirashid Mohamed Ahmed, Somalia's petroleum and mineral resources minister, speaks during the 2019 CERAWeek by IHS Markit conference in Houston, Texas, U.S., on Wednesday, March 13, 2019. The program provides comprehensive insight into the global and regional energy future by addressing key issues from markets and geopolitics to technology, project costs, energy and the environment, finance, operational excellence and cyber risks. Photographer: Aaron M. Sprecher/Bloomberg via Getty Images

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isagoo sheegay inuu ku garab siiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo horay Xukuumadda ku dhawaaqday in aan wax heshiis ah la geli karin inta lagu guda jiro xilli kala guur ah ayaa waxaa muuqata in qorshaha lagu suuq geynayo xirmooyinka shidaalka ee horay loo sahmiyay uu yahay mid dhaqaale lagu raadinayo, gaar ahaan ololaha dib u doorashada Farmaajo.

Dhanka kale madaxweymaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu buriyey heshiiska uu galay wasiirka Batroolka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia

WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka

Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD