Wiilka madaxweyne Biden oo maanta hortagaya maxkamad

0
6
FILE - President Joe Biden and his son Hunter Biden leave Holy Spirit Catholic Church in Johns Island, S.C., after attending a Mass on Aug. 13, 2022. Biden is in Kiawah Island with his family on vacation. An IRS special agent is seeking whistleblower protection to disclose information regarding what the agent contends is mishandling of an investigation into President Joe Biden’s son, Hunter Biden. That is according to a letter to Congress obtained by The Associated Press. (AP Photo/Manuel Balce Ceneta, File)

Washington (Caasimada Online) – Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo inuu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa.

Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo.

Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska.

Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda Caddaaladda baaritaan ku haysay canshuuraha iyo ganacsiyada dibedda ee wiilka labaad ee madaxweynaha, kaasi oo qirtay in uu daroogo isticmaaleyey tan iyo 2015 markii uu dhintay walaalkiis Beau Biden.

Inkasta oo sharci ahaan ay tani soo afjari doonto kiiska Hunter Biden, islamarkaana meesha ka saari doonta maxkamadeyn socon laheyd toddobaadyo ama bilo, haddana xasaraddiisa siyaasadeed ayaa taagnaan doonta.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa ku adkeysanaya in Hunter uu helay heshiis dabacsan, xilli Waaxda Caddaaladda ay sii wado baaritaanada ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ugu cad cad xubnaha Jamhuuriga ee u taagan doorashada madaxweyne ee 2024.

Trump ayaa horey u wajahayey kiis ka furan New York, iyo mid federaal oo uu ku wajahayo Florida. Hase yeeshee wuxuu 19-kii July sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

Trump ayaa sheegay inuu warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya in aan cadaaladda loo sinneyn, ayaga oo sheegaya in wiilka madaxweynaha xaaladda loo fududeeyey halka Trump si xooggan loo eryanayo.

AP + VOA