Xagee ayey ku dambeeyeen shacabkii ciidamda Kenya ay ka afduubteen GEDO?

0
5
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Garbaaharey (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Gedo, Ismaan Nuur Xaaji (Macalimu) oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeediyey ciidamada Kenya ee ku sugan gobolkaasi.

Macalimu ayaa marka hore sheegay in dhibaatada ay Kenya ka wado Gedo aysan haatan bilaabin, islamarkaana ay sanado badan geysaneysay xadgudubyadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ayaa soo hadal qaaday afduubka ciidamada Kenya ay ku hayaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda ay gacanta ugu jiran illaa 7 qof oo shacab ah, kuwaas oo ay ka kaxeysteen duleedka Ceelwaaq.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dadkaasi ay nool yihiin, balse ay u geysteen tacadiyo ka baxsan bani’aadanimada, iyaga oo ku eedeynayo inay yihiin Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in marar badan ay baaq u direen dowladda Kenya, balse ay dhagaha ka fureysatay inay ka jawaabto cabashadooda.

Ismaan Nuur Xaaji ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inaysoo fara-geliso arrintaasi, islamarkaana ay qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo tacadiyada Kenya.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dhammaan degmooyinka gobolka Gedo ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatooyinka ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay ka wadaan gobolkaas oo dhaca koonfurta Somalia.