Xarunta hoggaaminta howl-gallada caalamiga ee Daacish oo loo soo raray Soomaaliya

0
25
A masked man speaking in what is believed to be a North American accent in a video that Islamic State militants released in September 2014 is pictured in this still frame from video obtained by Reuters October 7, 2014. The FBI said October 7, 2014 it was seeking information on the man's identity, and issued an appeal for help in identifying individuals heading overseas to join militants in combat. REUTERS/FBI/Handout via Reuters (UNITED STATES - Tags: POLITICS RELIGION CONFLICT) THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS. FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS

Washington (Caasimada Online) – Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jenaraal Michael E. Langley, ayaa shaaciyay in kooxda jihaad-doonka ah ee Daacish ay xarunta hoggaaminta hawlgalladeeda caalamiga ah u wareejisay gudaha Soomaaliya.

Jen. Langley ayaa hadalkan ka hor sheegay Guddiga Adeegyada Difaaca ee Senate-ka Mareykanka maalintii Jimcaha, xilli uu jeedinayay warbixinta AFRICOM ee la xiriirta qorshahooda sanadka 2025. Wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee qaaradda Afrika u leedahay Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Isagoo qiimeynaya halista argagixisada ee Afrika, Jen. Langley wuxuu xildhibaanada u sheegay in kooxaha xagjirka ah sida Daacish ay sii kordhinayaan khatarta ay ku hayaan amniga gobolka iyo kan caalamkaba, isagoo carrabka ku adkeeyay in Daacish ay hadda si toos ah uga maamulayso hawlgalladeeda caalamiga ah gudaha Soomaaliya.

“Afrika weli waa saaxiib istaraatiijiyadeed oo dhanka difaaca ah, laakiin sidoo kale waxay noqotay hoy ay ku dhuuntaan kooxo argagixiso ah oo ka faa’iideysta duruufaha ka jira qaaradda si ay u kobciyaan una faafiyaan afkaartooda xagjirka ah,” ayuu yiri Jen. Langley.

Wuxuu intaas ku daray: “Daacish waxay ka maamushaa shabakad caalami ah gudaha Soomaaliya. Haddii aanan la xakameyn, waxay si toos ah u saameyn karaan gudaha Mareykanka.”

Jen. Langley wuxuu sidoo kale xusay in AFRICOM ay sii waddo adeegsigii iskaashiga amni sidii aalad muhiim ah oo lagu dhisayo awood ciidan oo madax-bannaan oo ay yeeshaan dowladaha Afrika.

Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay tababarro ay ka mid yihiin FLINTLOCK, AFRICAN LION, iyo OBANGAME EXPRESS, kuwaas oo kor u qaada diyaar-garowga ciidan, xoojinta wada shaqeynta militariga, iyo dhisidda xiriirro labo-geesood iyo kuwo badan-geesood ah oo ka kala dhaca dhammaan dhinacyada amniga.

Kooxda Daacish waxay caan ka noqotay caalamka sanadkii 2014, markii dagaalyahanadeedu ay la wareegeen dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Ciraaq iyo bariga Suuriya.

Sanad kadib, waxay lumisay dhammaan dhulalkii ay ka talinaysay ee Bariga Dhexe, waxaana ay dib ugu laabteen goobo fog-fog oo ay ka mid yihiin qaybo ka mid ah Afrika.

3-dii Luulyo, 2024, Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn saartay saddex xubnood oo lagu eedeeyay in ay taageeraan Daacish, kuwaas oo ku sugan Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo (DRC), iyo Mozambique.

Hamidah Nabagala, oo asal ahaan kasoo jeeda Uganda balse ku sugan DRC, iyo laba muwaadin oo Koonfur Afrikaan ah – Abubakar Swalleh iyo Zayd Gangat – ayaa lagu eedeeyay in ay fududeeyaan maalgelinta hawlgallada Daacish ee Afrika ka hooseysa Saxaraha.

Warbixinada sirdoonka Mareykanka iyo Uganda ayaa sheegay in Hamidah Nabagala ay door weyn ku lahayd weeraradii qaraxyada ahaa ee bishii Oktoobar 2021 ka dhacay Kampala, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta Baarlamaanka iyo Saldhigga Dhexe ee Booliska.