Xog: Ciidamada ATMIS oo deegaano kasoo baxay kadib weerarkii Ceelbaraf

0
8
Troops belonging to the African Union stand on top of an APC on the outskirts of Burubow in the Gedo region of Somalia on February 14. Burdubow, a town in the Gedo region of Somalia, was captured on Feb 9 in a joint operation by African Union and Somali National Army troops. AU UN IST PHOTO / Mahamud Hassan

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS Ex AMISOM ayaa isaga baxay saldhiggii ay ku lahaayeen deegaanka Gololey ee waqooyiga magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Warar lagu kalsoonaa karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamadii ATMIS ee fariisinka ku lahaa Gololey loo kala diray magaalooyinka Balcad, Jowhar, Biyo-Cadde iyo Mahadaay oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Qorshaha laga leeyahay dhaq-dhaqaaqyadaan ciidan ee ATMIS ay ka bilowday Shabeellada Dhexe waa in la xoojiyo ciidamada Burundi, lagana hor tago in mar kale uu soo laabto weerar lamid ah kii Ceel-Baraf oo aad loogu laayey ciidanka Burundi.

4-tii bishaan May kooxda Al-Shabaab ayaa degaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ku weerartay saldhig ay ku lahaayeen ciidanka Burundi, halkaas oo si xun loogu laayey ciidankii ku sugnaa xerada.

Al-Shabaab oo gabi ahaanba qabsaday xeradaas ayaa shacabka deegaanka u fasaxay inay bililiqeystaan agabkii yaallay xerada, sidoo kale waxay ka furteen hub iyo gaadiid badan, iyagoo dilay in ka badan 170 askari, sida ay sheegteen.

Dowladda Burundi iyo Taliska ATMIS ayaa qirtay in weerarkaas looga dilay 30 askar, ciidan kalena nolosha lagu qabtay, wixii intaas ka dambeeyana ATMIS waxay bilowday dhaqdhaqaaqyo ay uga gaashaamaneyso weerar dambe.