Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka oo shaaciyey sababta weerarkii MUDUG

0
9
FILE - In this Sept. 16, 2015, photo, U.S. Central Command Commander Gen. Lloyd Austin III, testifies on Capitol Hill in Washington. Biden will nominate retired four-star Army general Lloyd J. Austin to be secretary of defense. That's according to three people familiar with the decision who spoke on condition of anonymity because the selection hadn't been formally announced. (AP Photo/Pablo Martinez Monsivais, File)

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa difaacday duqeyntii xooganeyd ee ay todobaadkii hore ka fulisay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, taas oo ay su’aallo ka keentay Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadankaasi.

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in sababta ay ay Maryakanka u qaadeen duqaymihii tododbaadkii hore lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyene weerarrada ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa timid, kadib markii uu culeys xoogan uu dhinaca Al-Shabaab uga yimid ciidamada huwanta, sida uu shaaciyey Lloyd Austin.

Austin ayaa intaasi ku daray in howl-galkaasi, kadib dib loo riixay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aaga uu dagaalka ka socda ee koonfurta gobolka Mudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiir Lloyd Austin.

Hadalkan ayaa jawaab u ah Ilhaan Cumar oo warqad u dirtay madaxweyne Joe Biden, taas oo ay ku dalbaneyso inuu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo saameynta ka dhalatay howl-galkaas dhanka cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyey gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida tooska ah uga qeyb-qaata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaa ciidamada Danab ee Xoogga dalka.