Xogta hoobiyeyaal lagu garaacay duleedka Muqdisho

0
41
U.S. Army Spc. Alan George, 1st Battalion, 124th Infantry Regiment, Bravo Company watches the surrounding area before mortar training Aug. 8, 2016, at Arta, Djibouti. The Soldiers fired rounds from M224 and M252 cannons to practice hitting target areas. The 1-124, a component of Combined Joint Task Force-Horn of Africa, is deployed from Cocoa, Fla., to perform security operations in the region. (U.S. Air Force Air Force photo by Staff Sgt. Eric Summers Jr./Released)

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo maanta lala beegsaday qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ilaa 10 madfac oo hoobiyayaal ah ay ku kala dhaceen xaafado kala duwan, halka qaarna ay ku dhaceen xerada ciidamada dowladda ee degmada.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in madaafiicdan ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo askar ka tirsan dowladda.

Sidoo kale, wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dadka ku geeriyooday weerarkan uu ka mid yahay sarkaal lagu magacaabi jiray Xuseen Xaaji Maxamed, oo loo yaqiinay Aw Koombe.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilliga weerarka uu halkaas ku sugnaa taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, iyo saraakiil kale.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda federaalka oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan hoobiyeyaasha.

Weerarkan maanta lagu qaaday degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo toddobaadkii hore weerar la mid ah lagu qaaday xerada Xalane ee ku taalla gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.