Yaa hor-taagan dib u doorashada xildhibaanadii dib loo celiyay?

0
7

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya ilaa shan mudane ayaa dib loo amray in loosoo doorto, kadib markii qaab aan wanaagsaneyn ay kusoo baxeen.

Xildhibaanadaasi la amray in dib losooo doortaa ayaa waxaa ku dhagan qaar kamid ah xubnaha madasha wadatashiga qaran ee waqtigooda uu dhamaaday.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kamid ah xubnaha sida aadka ah kaga soo horjeedo in dib doorasho loogu laabtaa xildhibaanadii lasoo celiyay.

Sababta ayaa ah xildhibaanka lagu celiyay Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu kusoo baxay qaab musuq kii ugu darnaa.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in gudiga doorashada dadban ee heer federaal inay faraha kala baxeen arinta la xiriirta doorashada xubnaha lagu celiyay maamul goboleedyada dalka.

Xubnogudigaasi ka tirsan ayaa xaqiijiyay in madaxda madasha ay isku heystaan dib u celinta kuraastaasi qaarkood, taasi oo qasabtay inay faraha kala baxaan.

Magacyadaas Horey Loo Laaley, Guddiga Doorashada Dadbanna uu ka tagi doonno iyaggoo aan Xal laga gaarin waa:

1- Cabdi Maxamuud Maxamed,  Puntland, Ugaar Saleebaan

2- Cabdullaahi Maxamed Aadan,  Jubbaland,   Beesha Gaaljecel

3- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed, Koofur Galbeed,   Digil,  Macalin weyne

4- Maxamed C/llaahi Xasan Nuux,  Hirshabelle,  Qabiilka Jidle

5- C/qaadir Maxamuud Gaafow,  Galmudug , Murarsade

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]