Yaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka NISA qeybta gobolka Banaadir

0
11

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee Gobolka Banaadir.

Xilka Taliye ku-xigeenka ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamuud C/qaadir Xaaji oo loo yaqaan ”Jeego”, kaa oo muddo dhowr ah ka mid ahaa ciidamada NISA.

Taliyeku-xigeenka ayaa waxaa la faray in si wanaagsan uu u guto howlihiisa amni Qaran, waxaana sidoo kale looga digay inuu dayaco howsha laga doonayo.

Magacaabida xilka Taliye ku-xigeen ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaanahani isbedel lagu hayay Hay’adaha amaanka.

Tani waxa ay qeyb ka tahay magacaabista iyo xilka qaadista xukuumada Madaxweyne Maxamed Cbdullaahi ”Faramajo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]