Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia soo gaaray Musharaxa Madaxweyninimo Maxamed C/llahi Farmaajo.
Farmaajo ayaa waxaa gudaha iyo iridka Sare ee Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweyay shacab tiradooda lagu khiyaasay 4,000 kuwaasi oo ka awood batay Ilaalada Garoonka iyo Ciidamada sugaayay amaanka Musharaxa.
Shacabka isugu soo baxay banaanbaxa lagu soo dhaweynaayay Farmaajo ayaa sidoo kale laga celinwaayay Musharaxa kadib markii ay isku dirireen gacanqaadkiisa.
Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu munaasabad ka shaaciyo musharaxnimadiisa iyo waxa uu qaban doono haddii la doorto.















