Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaasi lagu diyaarinaayo Xildhibaano cusub oo dhawaan lagu doortay Caasimadaha Gobolada dalka.
Xildhibaanada lagu diyaarinaayo Madaxtooyada Somalia ayaa lagu wadaa inuu la kulmi doono Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada lagu kulminaayo Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku jiraan kuwo taageersan Cumar C/rashiid.
Sidoo kale, Xildhibaanada loo diyaarinaayo kulanka Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira kuwo dhawaan uu la kulmay Xasan waxaana la filayaa in taageero ay u muujin doonaan Madaxweynaha.
Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ka socda ololo u gaara Madaxweyne Xasan Sheekh waxaana xusid mudan in booqashada Madaxtooyada laga mamnuucay tirro Musharaxiin ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]