Dowladda Xasan Sheekh oo caddeysay in aysan dib uga laabaneyn…

0
4766

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo mucaaradka ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay soo bandhigaan aragtiyahooda siyaasadeed, balse wuxuu ku adkeystay in aragti kasta ay noqoto mid dhiirrigelinaysa horumarka dalka, ilaalinta dowladnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in doodaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka ay galeen marxalad cusub, isagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka inay ku guul-dareysteen inay soo bandhigaan qorshe siyaasadeed oo beddel u noqon kara nidaamka cusub ee doorashooyinka.

Sida uu sheegay, halkii ay xalal cusub soo jeedin lahaayeen waxay hadda ku baaqayaan in dalka dib loogu celiyo nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban.

Cali Xoosh ayaa xusay in lix dowladood ay Soomaaliya soo mareen tan iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood ku yimid hannaan doorasho dadban. Wuxuu sheegay in saddex ka mid ah ay ahaayeen dowlado KMG ah, halka saddexda kalena ay ahaayeen dowlado rasmi ah oo lagu soo dhisay isla nidaamkaas.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay haatan u gudubtay nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, isagoo ku sifeeyay tallaabadaasi mid ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah inay si toos ah u doortaan hoggaankooda. Isbeddelkan ayuu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu dhameystirayo hannaanka dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ku eedeeyay siyaasiyiinta weli taageersan nidaamka doorashooyinka dadban inay kasoo horjeedaan isbeddelka horumarka siyaasadeed ee socda.

Wuxuu sheegay in baaqyada lagu dalbanayo in dib loogu laabto nidaamkii hore aysan waafaqsaneyn danaha Soomaaliya, isla markaana aysan la jaanqaadeyn rajada shacabka ee ku aaddan dhismaha nidaam doorasho oo joogto ah.

Isagoo ka hadlay jihada siyaasadeed ee dowladda, Cali Xoosh wuxuu sheegay in xukuumaddu ay xoogga saareyso dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo ku saleysan sharciyad buuxda. Wuxuu caddeeyay in dowladda aysan qorsheynayn dib ugu noqoshada nidaamyadii hore ee doorashooyinka dadban.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya ay go’aamin doonaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku adkeystay in dowladda ay dooratay waddo horumarineed oo aan dib looga laaban doonin. Wuxuu sheegay in isbeddellada socda ay yihiin kuwo lagama maarmaan u ah dhismaha dowlad casri ah oo dimuqraadi ah.

Hadalka Cali Xoosh ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo dowladda iyo mucaaradku ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin jihada geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, hadalkan ayaa yimid xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu soo jeediyay in la dhiso gole KMG ah oo loo dhan yahay, kaas oo maamula marxaladda kala-guurka, dib u soo celiya sharciyadda hay’adaha dowladda, isla markaana haga dib-u-habeynta dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo sharciyaddooda si wadajir ah loo aqoonsan yahay.