Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo magaalada Addis Ababa uga qayb-galay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa maanta kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya Hon Musalia W Mudavadi, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin socdaalka labada waddan.
Labada wasiir ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, kadib markii maalmo kahor wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo celiyay gudaha magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.
Wasiirrada labada dowladood ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha iyo fududeynta isu socodka shacabka labada dal.
Cabdisalaan iyo Mudavadi ayaa si wadajir ah u sheegay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.
Dhacdadooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu wajahayo marxalad xasaasi ah, iyada oo labada dal ay ka wada shaqeynayaan arrimo la xiriira amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka, balse ay mararka qaar soo kala dhex galaan khilaafaad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ugu yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho, si wax looga waydiiyo tallaabooyinka ay qaaday dowladdiisa ee lagu soo celiyay wasiirrada oo ugu dambeeyay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ah wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo Axaddii lasoo dhaafay laga soo celiyay Jomo Kenyatta International Airport (JKIA).
Dhacdadan ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta, kuwaas oo si weyn u falalqeeyay soo celinta Wasiir Abshir Bukhaari oo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

